Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo lagu baahiyay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirrada arrimaha dibadda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea lagu wado in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ay ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.
Masuuuliyiintan ayaa waxaa la tilmaamay in ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eretrea.
Sababta ka dambeysa in wasiiradaha Arimaha dibada Soomaaliya,itoobiya iyo Eretrea ay kulmaan ayaa lagu sheegay in ay tahay, kadib markii shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eretrea iyo R/Wasaraha Itoobiya,kuwaasi oo ka wada xaajooday sidii ay u soo afjari lahaayeen muranka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Waddamada Bariga Afrika.
Dowladaha Eretrea iyo Jabuuti ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhexeeyay khilaaf siyaasadeed,iyadoona dhawaan madaxweynaha Soomaaliya markii uu tagay magaalada asmara uu sheegay in muhiim ay tahay la dhameeyo khiklaafkaasi u dhexeeya labada dowladood.