Muqdisho-KNN-waxaa hada la dhaariyay sedaxdii wasiir ee daba yaakhadii todobaadkii hore loo magacaabay xilalkaas ayaa waxaa kala yihiin wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Maxamed cabdi maareeye iyo wasiirka arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye ayaa hada la dhaariyay.
Maanta ayaa lagu madal sanay dhaarinta wasiiradaan cusub,
Bogga Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka ayaa lagu shaaciyay in Wasiiradan cusub maanta la dhaarin doono.
“Kulankaan ayaa Ajandihiisu waxa uu yahay Dhaarinta Wasiirada Magacaaban ee kala ah Arrimaha Gudaha,Dibada iyo Ganacsiga oo Khamiistii Tr.04/01/2018 uu Magacaabay Ra”iisul-wasaare Xassan Cali kheyre.” Ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga joogta Golaha Shacabka.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa inay dhacdo xaflado xilalka ay kula wareegayaan masuuliyiintaan cusub ku waas oo rasmi ah ula wareegi doono xafiisyadooda.