Somali News

Wasiirka Amniga Galmudug oo abaabul dagaal ka wado Mudug.

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad ee gobolka Mudug.

Ciidamada qalabka sida ee isugu jira mileteriga Qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya naftood hurayaal deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, diinta iyo diinta oo ay Alshabaab weerar ku yihiin, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug

Wasiirka amniga iyo mas’uuliyiinta kale ee socdaalkiisa ku wehlisa oo maalmihii la soo dhaafay ka waday deeganadaas abaabul is-difaac iyo in deegaanada Galmudug laga xoreeyo kooxaha Al-Shabaab oo dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka Galmudug, ayagoo ciidamada kula dardaarmay in Alshabaab laga saaro deegaanadaasi.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Bacaadweyn iyo Wisil ayaa si weyn u soo dhoweeyey ciidamada amniga ee soo gaaray deegaanadaas iyo madaxda la socota ee Galmudug ayagoo muujiyey in ay garab taagan yihiin halganka kooxaha argagixisada looga xoraynayo Galmudug ee ay hormuudka u tahay Dawladda Galmudug.