Somali News

Wasiirka Amniga Galmudug oo Shil ku galay duleedka magaalada Dhuusamareeb

Dhusa Mareeb-KNN-Duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa saakay ka dhacay shil khasaare geystay.

Gaadiid uu la socday Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim ayaa ku rogmaday duleedka Waqooyi ee magaalada Dhuusamareeb, Wasiirka ayaa la sheegay in uu saakay kasoo baxay deegaanka Huurshe oo hoostaga degmada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Saldhig ku leh deegaanka Huurshe, halkaasi oo mudooyinkii danbe uu ku sugnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulk Galmudug ayaa KNN u xaqiijiyay in Wasiir Saadaq Caafimaad qabo, hayeeshee ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ilaaladiisa.

Askartii ku dhawacantay shilkaas ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Dhusamareeb halkaas oo haatan lagu dabiibayo.