Somali News

Wasiirka amniga Hir-Shabeelle oo ka hadlay waxa ka jira in dad loo qabtay dhacdadii Gololey

Muqdisho-KNN-Guddiga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle u qaabilsan baaritaanka dadkii lagu laayey deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in xogo muhiim ah oo ay heleen ay muujinaayaan in la heli karo faahfaahino ku saabsan dadkii ka dambeeyay falkii lagu laayey dhakhaatiirtii deegaanka Gololey.

Wasiirka amniga Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magalaada Muqdisho kana mid ah xubnaha Hir-Shabeelle u qabilsan baaritaanka dhacdadaas, ayaa sheegay in haatan ay helayaan cadeymo hor dhac ah, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay warbixin dhameystiran u soo saari doonaan.

Wasiir Kheyre oo ka gaabsaday in si dhameystiran uu u soo bandhigo cadeymaha ay heleen illaa hada ee ku xeran dhacdadii lagu laayey dhakhaatiirta, ayaa sheegay in raadad badan ay u muuqdaan hadii uu hada shaaciyana ay dhib u keeni karto baaritaanka socda.

Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka amniga Hirshabeelle uu siiyey KNN