Somali News

Wasiirka Amniga iyo furimaha hore Galmudug oo gaaray furimaha hore ee Gobolka Mudug

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha gobolka Mudug, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa safar dhulka ku gaaray furimaha dagaalka ee Kofurta gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa booqanaya deegaanada ay ku sugan yihiin Daraawiishta Galmudug, si loo dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga iyo Dadka deegaanka ayaa dagaal ka dhan ah Al-shabaab, ka wada gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.