Somali News

Wasiirka amniga iyo James Swan oo ka wadahadlay arimaha doorashooyinka

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka,” ayuu ku yiri qoraal uu Wasiirka soo dhigay bartiisa Facebooka.

James Swan, oo laba maalmood ka hor la kulmay taliyaha sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin.