Uncategorized

Wasiirka Amniga oo Maanta laga sugayo Go’aano ku aadan Weeraradii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho–KNN-– Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow oo Maalintii Khamiista la soo dhaafay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho islamarkaana sheegay in Maanta oo Axad ah Saraakiil  ka tirsan Booliska Soomaaliya laga sugayo Baaritaano la Xariira Dilal Qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho ayaa la kulmi doona Saraakiishaas oo Baaritaankooda soo gaba gabeeyay.

Kiiska loo Xilsaaray saraakiisha waxaa ka mid ahaa Dilkii Degmada Xamar-weyne loogu geystay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale iyo sidoo kale Weeraro kale oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Maanta Xilalka laga qaadi doono Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka Soomaaliya,iyadoo Talaabadaana ay tahay mid looga Jawaabayo Dhaleeceen Laamaha Ammaanka uga timid Shacabka ku nool Muqdisho.