Balcad-KNN-Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Xukumada Fedraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe, ujeedka Socdaalkan ayaa ahaa sidii Wasiir Isloow u soo ogaan lahaa Xalaada dhabta ah e eka jirta Degmada Blacad, Waxa uu warbixin ku saabsan dhibaatooyinka ay qabaan shacabka ka dhageystay Gudoomiyaha degmada Qaasim Cali Nuur ( Qaasim Furdug) iyo qaar kamid ah odayaasha Magaalada.
Wasiir Isloow Socdaalkiisa oo dhanka dhulka ahaa ayaa waxaa ku wehlinaayay Xildhibaan Aadan Cali Xasan iyo Xildhibaan Cabduqadir Carabow Ibrahim oo kamid ah Xildhibaanada Federalka ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Hirshabelle.
Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Somaliya oo ka hadlayay weerarada soo noqnoqday ee Shabaab ka geystaan Wadada xiriiriya Magaalooyinka Jowhar iyo Blacad, wuxuuna sheegay inaan la aqbali karin in Al-Shabaab oo mar hore laga saaray Balcad iyo Jowhar in ay wali sii muuqato dhibaatooyinka ay dadka ugeysanayaan.
Waxa uu sheegay in Dowladda ay soo kordhineyso Ciidamada ay geyneyso Wadada xiriria Jowhar iyo Blacad si looga baaqsado Weerarada iyo Qaraxyada dagaalamayaasha Shabaab ugeystaan Gaadiidka Ciidamada Dowladda.
Socdaalkaan Wasiirka Amniga Xukumada Fedraalka soomaliya uu tagay Degmada Balcad ayaa imaaneysa xili maalmihii danbe ay soo baxeysay xabasho xoogan ay ka soo yeereysay shacabka wadadaas isticmaala iyo mas`uuliyiin ka tirsan maamulka hirshabelle oo sheegay in wadada xariirisa muqdisho iyo Jowhar aan lamari Karin, al-shabaab oo wadada ugala mas`uuliyiinta isticmaasha wadadaasi.