Uncategorized

Wasiirka amniga Soomaaliya oo amar ku bixiyay in la baaro dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qaybdiid.

Muqdisho-KNN-Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga u horkeeni doonto cidii ka dambeysay falkii ka dhacay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid”.

Wasiir Islow  ayaa sheegay in baaris deg deg ah ay sameyn doonaan Ciidamada amaanka “Ciddii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la horkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan.” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Gelitaanka iyo Baaritaanka lagu sameeyay mid kamid ah guryaha  Senator Qeybdiid ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo mid  sharci darro ah waxana uu amray in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo.

Ciidamada weeraray ayaa la sheegay in ay yihiin ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka howlgalla.