Uncategorized

Wasiirka Amniga ” Waan ku guuleysanay amaanka magaalada Muqdisho”

Muqdisho-KNN-Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow  ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda amaan ee Soomaaliya gaar ahaan amaanka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay xaalad daganaan ah.

Wareysi uu siiyay Telefishanka Qaranka ee SNTV ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay ku guuleysatay diiwaan gilinta Ciidanka Booliska, hadana la ogyahay Tirada Ciidanka, Tayadooda, Goobaha ay joogaan iyo Darajada ay kala leeyihiin Ciidanka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso Howgalada laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka, hadana Guulo wanaagsan laga gaaray.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.