Somali News

Wasiirka arimaha dibada oo la kulmay dhiggiisa Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka dalka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Binu C/casiis.

Wasiirka oo ay la socdaan wafdi her sare ah .waxa uu Boqorka dalkaasi u gudbiyay Salaan uu ka sido Madaxweyne Farmaajo,isagoo xusay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhaw oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la sii ambaqaado iskashiga iyo wax wada qabsiga labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas