Somali News

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo beeniyay Shirka Farmaajo iyo Uhuru.

Muqdisho-KNN-Axmed Ciise Cawad  Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay Hadal saacadihii dambe ay lagu baahinayay baraha Bulshada, kaasi oo ahaa in saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan kulanka labada Madaxweyne.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Adis ababa sida ay baahisay Warbaahinta.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida ay mar walba ku dhiiradaan wararka been abuurka ah,waxaana wasiirka uu sheegay in Go’aanka la xiriirta Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo.