Somali News

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka Guud ee Q. M

Muqdisho-KNN-Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa u kicitimay Magaalada New York, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya Fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Wafdiga dowladda soomaaliya ee ka baxay muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xubno sar sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaasi oo shirka ku matalaya soomaaliya.

Danjire Cawad ayaa waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo dhawaan ka dhaci doona Magaalada New York ee dalka mareykanka Sababo la xariira Khilaafka ka dhex taagan dowladda iyo maamul goboleedyadda dalka ka jira.