Somali News

Wasiirka Arimaha Gudaha oo war ka soo saaray Arimaha Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda dalka ku bogaadiyey doorkii wanaagsanaa oo ay ka qaateen shirkii Dib-uheshiisiinta ee Beelaha daga Dowlad Goboleedka galmudug.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirkii Dib-u-heshiisiinta ee magaaladda Dhuusamareeb uu ku soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si-wanaagsan ugu soo dhamaaday, Iyadda oo laga gaaray guulo waaweyn.

Wasiirka ayaa Ergada kasoo qeyb gashay shirkii ee matalayey Beelaha Galmudug daga ay ka goneyd inay xal waara ka gaareen deegaanadooda siddii dadku nabad u gaari lahaayeen iyaga oo wadajira, Intii uu socday shirka ayaa lagu guuleystay in ladhameeyo arrimo yar oo Beelaha qaarkood soo kala gaartay.

Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayuu uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaateen arrinta Galmudug oo waqti badan ku bixiyeen.

Galmdug ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa isku diyaarineysaa Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxaasa kasii horeeya in lasoo xulo Baarlamaanka Dowlad Goboleedkaas oo mardhow ka biilan dooonta Dhuusamareeb.

Musharaxiin Badan oo u tagaan inay qabteen xilka Madaxweynaha ee Galmudug ayaana ku dhawaaqay Musharaxnimadooda.