Uncategorized

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Cabdi Faarax Saciid “Juxa” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan Gaar ah kula qaatay howgiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif  Sheekh Axmed oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen Arimo quseeya Siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Sheegay in Madaxweyne Shariif uu gurigiisa ugu tagay Islamarkaana uu ka soo korarsaday qibrad iyo waayo aragnimo sidoo kalane ay ka wada hadleen Arimo la xariira Soomaaliya Xaaladda ay marayeso kadib qoraal uu wasiirka soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay Internet-ka.

“Waxaan maanta Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore dawladii KMG ahayd ee Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho jooga waxa yna ii aheyd sharaf weyn” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu Sheekh Shariif kala hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya kulamo kalane ay yeelan doonaan hadii alle idmo.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Dhawaan ku soo laabtay Magaalada Muqdisho mana ahan markii ugu horeysay ee dib ugu soo laabto Muqdisho, ugu yaraan 3 jeer ayuu Shiikh Shariif Shiikh Axmed Dalka ku soo laabtay doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib.