Somali News

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo ku wajahan dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Wasiirka Arimaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda Maamulka Galmudug inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu isagana u safray Gaalkacyo.

Ujeedada socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in uu Madaxda Maamulkaasi kala hadli doono khilaafka iyo is faham waayga u dhaxeeya hogaanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug.