Somali News

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Xildhibaano, iyo Ganacsato ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa xiligaan waxaa ka socda diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhowaynayo wasiirka iyo wafdigiisa oo saacadaha soo socda ka dagaya dhuusamareeb.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la filayay in shalay uu gaaro magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobalka Galgaduud waxaana dib u dhigay soo dhowaynta Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wali lama shaacin ujeedada socdaalka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya balse warar ayaa sheegaya in wasiirka uu kulamo halkaasi kula qaadan doono hogaanka maamulka Galmudug waxaana doorka la saari doonaa arimaha doorashooyinka ee Galmudug ka dhacay sanadkaan 2019.