Somali News

Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya oo Baaq u diray Q.M

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Khudbad ka jeeiyay Shirka golaha guud ee QM ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay tilaabo muhiim u qaaday dhinaca la dagaalanka Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay Madaxda Dunida in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta.

Wasiir Axmed waxaa uu sheegay in dhalinyaddu aysan hadda ugu biirin Al-shabaab sidii hore sababtoo ah “Caqiiqadoodu sisii hore can uma aha”.

Wasiirka oo Khudbadiisa jeediyay sabtigii waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay howlgalineeyso dhalinyaradda, Culimadda, odoyaasha iyo haweenka si “loo weeciyo caqiidada nacaybka leh ee aan Diinta ku saleeysneeyn”.

Ahmed Ciise ayaa soo hadal qaaday Dagaalamayaal badan oo ay ku jiraan xubno sare oo Al-shabaab ka tirsanaa ay qaateen cafiskii Dowladda ayna isi soo dhiibeen.

Waxaa uu sheegay in Cune  qabateeyn hubka oo laga qaado Soomaaliya ay heersare gaarsiin karto Dagaalka lagula jiro ururadda Xagjirka ah. Waxuu yiri “awood adag oo dagaal waxay noo ogolaaneeysaa in aan yeelano gacanta sare”.

Wasiirku wuxuu sidoo kale Khudbadiisa kusoo hadal qaaday Xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira, arrimaha amaanka, dhaqaalaha iyo horumarka Dowladdu ay sameeysay sanadihii lasoo dhaafay.