Somali News

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan laqaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Benjamin James Fender.

Labada masuul ayaa intii uu socday kulankooda waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga, kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda kaasi oo la sheegay in uu ka tarjumayo rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.