Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Maanta oo Axad ah hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana Xildhibaanada ay Su’aalo ka weydiiyeen Shaqada Wasaaradda iyo waxii u qabsoomay Wasiirka Mudadii uu Xafiiska Joogay.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga Jawaabay Dhowr Su’aalood ay Xildhibaanadu weydiiyeen.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Maanta waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahin Muudey,waxaana soo xaadiray 139 Mudane.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mudooyinkii dambe waday Qorshe ay kula Xisaabtamayaan Wasiirada Xukumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre.