Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Adis-Ababa waxa uu uga qaybgalay shir ay iskugu yimaadeen wadamada ku midoobay Urur Goboleedka IGAD
Shirkan oo looga hadlayay horumarinta wadamada ku jira IGAD ayaa ahaa mid lagu marti qaaday Wasiiradda Arrimaha Dibadda wadamada Ururka ku jira, ayaa waxaa ku matalayay Soomaaliya Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad
Shirka ayaa si wayn looga hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD gaar ahaan dhinacyada Amniga,dhaqaalaha,horumarka iyo waxyaabaha muhiimka u ah Dawladnimadooda
Shirka ayaa lagusoo hadlay qaaday in Ururku uu Soomaaliya ka taageeri lahaa dhinac walba maadama ay in kabadan 25 sano ku jirtay Soomaaliya, Dagaallo sokeeye iyo sidii dib nabad loogusoo dabaali lahaa
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay usii adkeyn lahayd xiriirka adag ee kala dhexeeya Ururka