Axmed Ciise Cawad wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Brussels.
Booqashada Wasiirka uu Ku tagay Safaaradda waxaa Ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Biljimka, Holland, Luxembourg iyo Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi.
Intii lagu jiray booqashada, Wasiirka waxa uu xog waran ka dhageystay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi oo Wasiirka ugu xog waramay howlaha ka socda Safaaradda iyo adeegga ay u qabato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku dhaqan halkaasi.