Somali News

Wasiirka arrimaha gudaha Hishabeelle oo xil ka qaadis sameeyay xubin kalena magacaabay

Muqdisho-KNN-Maxamed Cali Caadle wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hishaballe ayaa la sheegay in uu xilkii ka qaaday mid ka mid ah guddiga xuduudaha maamulkaasi  Hishabeelle.

Aadan Cali Sedaw oo xubin ka ahaa gudduga xuduudaha ayaa warbaahinta u sheegay in uu Wasiirka Arrimaha Gudaha uu xilkii ka qaaday .

Wasiirka ayaa xilka qaadista ka dib waxa uu magacaabay Axmed cabdi Cali oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle.

Ilaa iyo hadda, ma cadda sababta ka dambeysa xilka qaadistan uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ,waxaana ay ku soo aadaysaa xilli mid ka mid ah isla guddigani uu dhawaan sheegay in uu iska casilay xubinnimadii guddiga .