Uncategorized

Wasiirka arrimaha Gudaha Kenya iyo Masuuliyiinta Amaanka G/Waqooyi bari oo ka Shiray Weerarada Al-shabaab.

Wajeer-KNN-Wasiirka arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiangi ayaa Maanta la kulmay saraakiisha ugu sareeya Amaanka gobolka Woqooyi bari Kenya, shirkoodu waxa uu ka dhacay Magaaladda Xududda u dhow ee Wajeer.

Masuulinyiinta kulankaas ka qayb galay waxaa ka mid ahaa isku Xiraha Gobolka Woqooyi bari Maxamuud Saalax.

Idaacad ku taala Kenya oo Capital FM lagu Magacaabo ayaa baahisay in kulankaa uu ka qayb galay Wasiirka arrimaha Gudaha Kenya looga hadlayay Xasiloonidda gobolka iyo Amaanka deeganada Xuduudda dhaca, waxaa sidoo kale laga dooday Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dagalamayaal Hubeeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Weeraro ka geeystay Gobolka Waqooyi bari Kenya, waxaana ugu dambeeyay Weerarkii ay Macalimiintu ku dhinteen ee lagu qaaday Iskuul ku yaalla Ismaamulka Wajeer.

Capital FM ma aysan sheegin waxa shirka kasoo baxay, laakiin Booqashadda Gobolka ee Fred Matiangi ayaa imaneysa Xilli Dowladda kenyaay Hubeysay Dadka Deegaanka si ay ula dagaalamaan Al-shabaab.

Jaho Warerka Amni ee Gobolka ka tagaan waxaa sii cakiray markii Ciidamadda Amaanka Kenya Todobaadkii laso dhafay Ismaamulka Isiolo ku qabteen Gari hub iyo qarax lasaaray oo Booliiska Kenya ay shegeen in uu ku sii jeeday Magaaladda Nairobi.

Al-shabaab oo Adeegsanaya Dagaalamayaal u dhashay Kenya ayaa Weerro isdabajoog ah ka geysanayay Kenya Bilihii lasoo dhafay.