Somali News

Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay in Saraakiil ka tirsan Dowladda ay u baxsadeen Al-shabaab

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay u baxsadeen Al-shabaab sida Nageeye Cali Khaliif.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socoto kala saarid lagu wado hay’addaha dowladda, si loo ogaado kuwa ka tirsan Al-shabaab.

“Nisa waxa ay nadiifin ku wadaa  Argagaxisa nagu dhax jirto, waxaasa la yaabanahay sidda uu nagu dhax joogay Abwaan nageeye ‘’ ayuu yiri Fiqi