Somali News

Wasiirka Beyle iyo Duqa Muqdisho oo maanta saxiixay mashruuc ku kacaya $112 milyan, Sawirro

Muqdisho-KNN-Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, midka howlaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta saxiixay heshiis cusub oo ku kacaya 112 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dhisi doono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garoowe.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ku dhowaad 28 Milyan oo ka mid ah lacgtaas si casri ah loogu dhisi doonaa magaalada Muqdisho.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in mashruucaan uu qeyb ka yahay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo isna ka hadlay munaasabadda lagu saxiixay heshiiskaan ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka  barnaamijkan, isagoo ku tilmaamay talaabo xaga hormarka loo qaaday.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosoow ayaa sheegay in dowladda dhexe ay soo dhoweneyso mashruucaan, isagoo sheegay inay dowladda ka go’an tahay sidii dalka dib u dhis loogu sameyn lahaa.

Halkan ka dhageyso warbxin uu nooga diyaariyey Weriyaha Idaacadda Kulmiye Axmed Maxamed Ibraahim.