Somali News

Wasiirka Beyle oo sheegay xilliga deyn cafita Soomaaliya lagu guuleysan karo

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay hadii sanad walba Soomaaliya ay qabato shaqada laga doonayo in ugu yaraan afar sano ay ku qaadaneyso deynta in looga cafiyo.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in shanta Billion ee Soomaaliya la doonayo in laga cafiyo ay deyn ahaan ugu lee yihiin seddex koox, Isagoo kala qeybiyay sida ay lacataasi faraha badan ay u kala leeyihiin.

Bangiyada caalamiga ah ayuu xusay in ku dhawaab hal Billion ay Soomaaliya ku leeyihiin, Dalal isu tagay oo ku bahoobay macaga (Paris Club) ayuu sheegay in seddex Billion ay iaguna leeyihiin, Inta soo hartay ayuu tilmaamay in ay leeyihiin dalal Carbeed oo la isku yiraahdo (Non Paris Club) iyo hay’ado ay leeyihiin Carabta sida Islamic Bank iyo kuwa kale.

Deymaha qaar ayuu sheegay in cida Soomaaliya ku leh aysan suura gal aheyn in ay ka cafiyaan balse ay ka shaqeyneyso Dowladda iyadoo kaashaneysa madax iyo Dowladdo kale in Soomaaliya ay ka caawiyaan bixinta deyntaasi.