Somali News

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdi ka socda WHO oo gaaray Baydhabo

Baydhabo-KNN-Wasiirka  Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya iyo Daryeelka Bulshada Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heerka caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaanna wafdigaan  halkaasi  ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga WHO waxaa  hoggaaminayey Dr.Axmed Al-Mandhari oo ah Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay u kuur galaan xaaladaha Caafimaad ee deegaannada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.