Uncategorized

Wasiirka Cadaalada oo Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad waxaana akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen oo hortagay.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi, wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare.

Wasiirka  ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii, isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuq-maasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.