Uncategorized

Wasiirka Cadaalada oo maanta hor tagaya Golaha Aqalka sare

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaarada Cadaalada xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta hor tagaya Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Golaha Aqalka sare ka hor jeedin doono Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa oo horay u ansixiyeen Golaha Shacabka bishii Novenber sanadkii hore.

Aqalka Sare ayaa ka doodi doono Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa iyadoona maanta ama maalme kale meel marin iyo soo cilin mid un ay sameyn doonaan.

Xukumada Ra`iisul Kheyre ayaa horay u balan qaaday in ay la dagaalami doonaan Musuq maasuqa iyo wax isdaba marin.