Somali News

Wasiirka cadaaladda DFS oo kulan muhiim ah uga qayb galay dalka Masar

Muqdisho-KNN-Xasan Xuseen Xaaji wasiir wasaardda dawladda Soomaaliya ayaa waxa uu magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxa uu uga qayb galay shirka Golaha wasirrada cadaaladda ,gaar ahaan wadamada qaybta ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo Kulankiisa 35aadlagu qabtay magaalada Qaahira.

Waxyaabaha looga hadlayay shirkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa sharciga ka hortagga dembiyada abaabulan, sharciga ka hortagga Argagixisada, sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa,cirib tirka Lacag dhaqista , hab-raaca isu socodka qaxootiga iyo Dadka soo galootiga ah, dhibaatooyinka ka ganacsiga Dadka iyo arrimaha la xiriira mideynta sharciyada Dawladaha Jaamacadda Carabta inta suurta-galka ah.

Wasiirka ayaa madasha kulanka Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta u sharraxay horumarka laga gaaray shuruucdaasi lasoo bandhigay, isagoo sheegay in la geeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa xusay in ay halkaasi kulan gaar ah kula yeesheen, xoghayaha guud ee  Ururka Jaamacadda Carabta, isagoo sheegay in ay guddoonsiiyeen shahaado sharaf ku aaddan kaalinta fir-fircoon ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirrada caddaaladda jaamacadda carabta ayuu sheegay in ay ku heshiiyeen in ay samaystaan Machad ay wadaagaan waddamada ku bahoobay Ururka, kaas oo lagu diyaarin doono shuruucda u gaarka ah iyo majallo lagu qoro arrimaha Carabta.