Muqdisho-KNN-Ambassador Axmed Ciise Cawad Wasiirka cusub ee Arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Waxaa Haatan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sugan Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, wasiirro iyo Xildhibaano si ay usoo dhoweeyaan Wasiirka Cusub ee arrimaha dibada oo uu dhawaan magacaabay Xasan Cali Kheyre R/Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya.
Wasiirkii arrimaha dibada Soomaaliya, Yuusf Garaad Cumar ayaa dhawaan Waxaa xilka ka qaaday R/Wasaaraha Soomaaliya,isagoona Wasiirka Arimaha dibada u magacaabay Axmed Ciise Cawad.
Ambassador Axmed Ciise, ayaa haatan ah safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Maraykanka, waxaana la filayaa inuu maalin kadib xilkiisa kala wareego Yuusuf Garaad Cumar.
Xasan Cali kheyre R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan Waxaa uu Xilka ka qaaday Sedex Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadiisa,kuwaasi oo kala ah Wasaarada Arimaha dibaad oo lagu qaaday Yuusuf Garaad Cumar,Wasaarada Arimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid juxa,Halka Wasiirka ganacsiga laga qaaday khadro Axmed Ducaalle.