Somali News

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibedda oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya Cabdisaciid Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyadoo kulanku goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos.

Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda, xubno ka tirsan Baarlamaanka, Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah.