Somali News

Wasiirka cusub ee dastuurka Soomaaliya oo maanta Xilkiisa la wareegay

Muqdisho-KNN-Wasiirkii dhowaan loo magacaabay wasaaradda dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilkaasi la wareegay.

Munaasabada uu xilka kula wareegayay oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayuu ka sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan isku heysan Sharci balse ay isku heystaan dan Siyaasadeed oo kaliya taasina ay kala shaki ka dhex abuurto dadka.

Wasiirka ayaa balan qaaday in Sanadkaan gudihiisa lagu dhameyn doono qabyo tirka dastuurka dalka, asagoo sheegay in uusan raagin dastuur ay qolo gaara leedahay balse uu raago dastuur Qaran iyo umad leeyihiin.

Wasiir Saalax ayaa kamid ahaa Saddex wasiir kuwaasi uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyrre waxaana xilka wasaaradaan ka geeriyooday Ex wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil.