Uncategorized

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Wasiirka cusub ee wasaarada Gaashaandhiga xumadda Soomaaliya Xasan Cali oo shalay la wareegay xilka Wasaarada ayaa sbeegay in wasaaraxiisa ay xooga saari doonto sugida amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshe yaal badan uu kaga dagan yahay sidii loo sugi lahaa amniga.

Waxaa sidoo kale Xasan  Cali uu sheegay in qorshe yaasha ay wadaan ay ka mid tahay dagaal lala galo kooxda Al-shabaab oo uu sheegay in ay qatar ku yihiin xasiloonida Soomaaliya.

Dowladaan hadda jirto ayaa tan iyo markii ay la wareegeen talada dalka waxay ku cil celiyeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyadona qorshahaasi uu noqday midka afka un laga sheegay.