Somali News

Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed oo u Jawaabay Musharixiinta.

Baydhabo-KNN- Cabdulalahi Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo baxay musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka ayaa waxa uu sheegay in Walaaca ay muujinayaan musharixiinta, kaasi oo ku aadan in doorashada ay dib u dhici karto, balse waxaa uu tilmaamay wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana ay dhici doonto doorashada waqtigii looga tala galay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Musharixiinta waxaa uu ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan Horumarka Deegaanada koofur galbeed ee Soomaaliya.

Dhawaana ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, iyadoona halkaasi ay ku sugan yihiin Musharixiin aaad u fara badan ay ku sugan yihiin magaaladaasi, kuwaasi oo doobnaya in ay xil ka qabtaan Maamulka Koofur Galbeed.