Uncategorized

Wasiirka dastuurka oo lakulmay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele.

Jowhar-Knn-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka dowlada fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Gudiga dib u eegista Dastuur ee Barlamaanka labada aqal ee dalka iyo gudiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada ee Jowhar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Markii ay soo gaareen Magaalada Jowhar ayaa waxay kulan ay dibad joog ay ka aheed saxaafada ay la yeesheen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xussen.

Ujeedka socdaalkooda ayaa wuxuu ahaa in latashi ay la sameeyaan bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar iyo Mas`uuliyiinta Maamulka hirshabeele oo ay kala hadli doonaan dhameytirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.