Baydhabo-KNN-C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Wasaaraddu ay dadaal dheer ay ugu jirto dhamaystirka Dastuurka qabyada ah ee Dalka, haddana ay ku howlan yihiin sidii Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Dalka ay kala tashan lahaayeen Arimaha Datuurka.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur galbeed oo shalay uu ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha Dastuurka Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiiradda Dastuurka Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda dhexe shirkaas oo la filaayo in Maanta lagu soo gabagabeeyo Baydhabo, ayaa Wasiirka oo ka warbixinayay shirkaasi wuxuu sheegay in Wasaaradda Dastuurka iyo madaxda Dowladdu isku raaceen qorshe ku aadan sidii dhamaadka sanadkaan 2018 loo dhamayn lahaa shaqada iyo dibu eegista Dastuurka qaranka Soomaaliyeed si Dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo Cod ah marka la gaaro Sanadka 2021.