Uncategorized

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo sheegay in la sameyn doono hal taargo oo ka dhexeysa M/Gobaleedyada

Muqdisho-KNN-Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar)  Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyaoo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorsho lagu sameynayo Hal taargo oo ka dhaxeysa maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in maamalmaha soo aadan ay bilaabi doonaan qorshan,islamarkaana maamul gobaleedyada ayuu ka codsaday inay la shaqeeyaan wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu hadal qaaday Xafiisyada qaramada midoobe uga furan garoonka aadan cadde,waxaa uu sheegay wasiirka in madaxda UN-ka ay halkaasi u degaan sababo amni,balse waxaa uu tilmaamay dhibaato badan ay ku noqdeen balaarinta garoonka muqdisho.

Wasaarada Gadiidka iyo duulista hawada soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa dadaalo lagu hormarinayo Arimaha gaadiidka iyo Duuliska hawada Soomaaliya