Somali News

Wasiirka Gaashaandhiga iyo iyo Gen Odawaa oo ka wadahadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiirka wasaaraadda Difaaca Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ku yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen howlgalada ciidanka xoogga dalka ay Al-shabaab kaga saarayaan gobolada dalka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin Cali iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin ,

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay wadaan howlgalo dalka looga saarayo Al-Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalameyaasha Al-shabaab, islamarkaana goobo badan laga saaray.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga x.f.s Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu ku amaanayo sida ay habeen iyo maalin ugu taaganyihiin inay naftooda uhuraan difaaca qaranka soomaaliyeed.