Somali News

Wasiirka Gaashaandhiga oo (CXD) uga digay in ay ku milmaan arimaha siyaasada.

Muqdisho-KNN-Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale uga digay Cidamadda Xogga Dalka in ay ku milmaan siyaasada ama loo adeegsado arimo siyaasadeed.

Cabduqaadir maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka waxa uu ku sheegay “Iyadoo la dhowrayo Shuruucda Dalka, waxaan mar labaad Ciidamada Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qaran ayna ka fogaadaan iney ku milmaan siyaasadda, ama loo adeegsado siyaasadda.

Isagoo sii hadlayay ayuu shegay in Cidii ay ku laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan shuruucda dalka.

“Cidii ku cadaato waxaa laga qaadi doonaa talaabo waafaqsan shuruucda dalka.

Hadalka Wasiirka gaashaandhigga ayaa imaanayo xili wali uu tagan yahay khilaafka u dhaxeeyo farmaajo iyo Rooble.