Muqdisho-KNN-Xasan Cali Maxamed Amar dambe Wasiirka gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya mar uu la hadlay warbaahita ayaa sheegay inuusan marna raali ka ahayn in mushaar la,aan ay ahaadaan ciidamada dowladda soomaaliya ee difaacaya dalka sida uu hadalka u dhigay, balse uu ka doonaayo ciidamadu inay joojiyaan gadoodka ay wadaan hayeeshee wixii qaldan la sixi doono.
Wasiir Amar dambe ayaa sheegay in mar waliba looga baahanyahay in ciidamada cabashadooda ay ku soo gudbiyaan si degan oo aanan ku jirin qeylo iyo buuq ayna horseedi doonto deganaanshiyahaasi in lahelo jawaabta ku haboon.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee xkuumadda soomaaliya Xasan Cali Maxamed amar dambe waxaa uu ka dalbaday ciidamada xoogga dalka inay feejignaadaan mar waliba si aan looga faa’ideysan gadoodka ay sameynayaan, taasi badalkeedane shacabka soomaaliyeed aanan loo gaarsiin waxyeelo.
Halkan ka dhageyso codka