Somali News

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay in la diyaariyay ciidamo la dagaalama Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Xasan Cali (ammar dambe), ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo celinayo tayadii Ciidanka xoogga Dalka.

Mudane; Ammar dambe, oo warbaahinta la hadlayay ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay tababarka Ciidanka xoogga, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in ay soo laabato tayadii uu Ciidanka Xoogga Dalku lahaa.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Ciidankani tababarka soo dhammeystay ay ka horreysay Guutada Gor-gor, oo haatanba qeyb ka ah howl-galka lagula dagaallamayo Argagixisada ee ka socda Dalka.

Dedaallada lagu soo nooleynayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ay hormuudka u tahay Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay sii socon doonaan illaa ay awood buuxda u yeeshaan in ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka.

Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayuu sheegay in ay u direen Dalka Turkiga dhowaan, si ay u soo qaataan khibrado kala duwan, taas oo uu sheegay in ay bar-bar socoto Qaramaynta Ciidamada aan Dowladda dhexe hoos iman  ee Dalka oo haatan meel wanaagsan marayso.

Mudane; Ammar dambe, oo hormuud ka ahaa soo dhoweynta 330 Askari oo Kumaansoos Soomaaliyeed ah ,laguna soo tababaray Dalka Turkiga ayaa aad ugu mahad celiyay Ciidankaasi Dhabar adeygii ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, wuxuuna kula dar-daarmay Waddaniyad iyo daacadnimo.