Somali News

Wasiirka Gaashaandhigga iyo madaxweyne Lafta-Gareen oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Maxamed Amar-Dambe Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda  Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa maanta ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo laga bilaabi doono gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Amar-dambe ayaa sheegay in wasaaraddiisa uu gaba gabo u marayo qorshihii Al-Shabaab looga saari lahaa wadooyinka xariiriya Muqdisho iyo Baydhabo iyo sidoo kale wadooyinka kale ee isku xira gobolada la isku yiraahdo Koonfur Galbeed iyo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayuu sheegay in ay ka qeyb qaada doonaan howlgalka Al-Shabaab looga xoreynayo dhulka uu soo sheegay.

Dhankiisa Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed jooga ay u qeyb-samaan saddex qeybood, isla markaana ay wadaan sidii ay u diyaarin lahaayeen ciidamadii howlgalkaas la fuli lahaa ciidanka AMISOM.