Uncategorized

Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka ee Xukumadda Soomaaliya oo is Casi-shay

Muqdisho-KNN-Maryan Qaasim Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay iska xilkii ay ka heysay ee Xukumadda Soomaaliya ee Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka.

War qoraal ah oo ay soo dhigtay Barteeda twwitter-ka iyo Shir jaraa’id oo ay goor-dhaw qabatay ayaa waxay ku sheegtay in ay iska casi-shay Xilkaas laga bilaabo maanta oo ay Taarkiihdu tahay 15-11-2017.

Maryan Qaasim ayaa is casilaadeeda ku sheegtay daruufo u gaar ah, ma jirta Faah faahin intaas ka dheer oo ay ka bixisay sababta ay Shaqada uga tagtay.

Warar madax banaan oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiir Maryan Qaasim iyo Ra’iisal Wasaaraha khilaafkaas oo soo bilaawday markii uu dhacay Qaraxii Zoobe ee Muqdisho.

khilaafka ayaa la sheegay in uu salka ku haayo Guddi ay magacaawday Xukumada Soomaaliya, Guddigaas ayaa lagu magacaaabaa “Guddiga  Gurmadka Qaran ee Musiibadii ka dhacday Zoobe” wasiir Maryan Qaasim ayaa la sheegay in aan laga tala gilin Guddigaas sidoo kale waxa la sheegay in Guddiga ay toos ugu xiran yihiin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xalay oo ugu dambeysay qaabilay guddi Lacag ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool Uganda iyo Kenya sidoo kale Guddigaas ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaare Kheyrre, maryan Qaasim ayaan la kulmin Guddigaas iyo Guddiyo kale oo ku Howlan Daryeelka dadkii dhibka ka soo gaaray Qaraxii Zoobe.

Maryan Qaasim ayaa dadka yaqaana waxay ku tilmaamaan Wasiir aan Faa’iido doon aheyn waxayna sidoo kale ka mid ah Tahay shaqsiyaadka kooban ee Dalka Xil ka qabtay tan iyo bur burkii oo ay shaqadeeda amaanaan Shacabka Soomaaliyeed.

Maryan Qaasim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Tayo ee uu dhisay Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale lagu tilmaamo Shaqsiyaadka u dhaw Madaxweynaha ayaa marna la filayn in ay is casili doonto.

Iscasilaadda Wasiir Maryan ayaa loo arkaa in ay Dhabar jab ku noqon doonto Xukumadda Soomaaliya.