Somali News

Wasiirka Gargaarka iyo musiibooyinka Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali. garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa si kooban ula hadlay warbaahinta waxaa uu u mahadceliyay masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee shacabka ku soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, isagoona faahfaahin ka bixiyay safarkiisa iyo ujeedka uu yimaadeen magaaladan. 

Wafdiga wasiirka Gargarka Soomaliya ayaa inta Galmudug ay joogan la kulmi doona madaxda Dowlada Galmudug.