Muqdisho-KNN-Wasiirka maaliyadda dalka Faransiiska Bruno Le Maire ayaa sheegay in uu dhab yahay dagaalka Ganacsi ee xiligaan aadka u sii xoogeysanayo.
Wasiirka ayaa hadalkaas ka sheegay shir ka dhacay dalka Argentina oo ay isugu yimaaddeen wasiirrada wadamada ku midoobay Ururka G 20.
Wuxuuna intaa ku daray canshuuraadka uu Mareykanka uu soo rogoy ay la mid tahay “sharciga keymaha”.
Hase ahaatee wasiirka maaliyadda ee dalka Mareykanka Steven Mnuchin ayaa dfaacay canshuurta dalkiisa uu soo rogay isaga oo waddamada Yurub iyo Shiinaha ugu baaqay iney suuqyadooda u furaan loollanka suuqa xorta ah.
Toddobaadki hore eyuu madaxweyne Trump uu waddamada Yurub ganacsigooda uu ku tilmaamay mid xun.
Ganacsiga Mareykanka ayaa wuxuu dhibaata kala dhaxeeyaa 29-ka dal ee ka tirsan waddamada Yurub iyo Shiinaha.
Shirka labada maalmood ka socda Bones Aires waxaa isugu yimid wasiirrada maaliyadaha iyo 20 bangi ee caalamka ugu waaweyn.
Mr Le Maire wuxuu wakaaladda wararka ee AFP uu u sheegay, “Hay’adda ganacsiga Addoonka waa ineysan howlaheeda ku saleynin sharciga keymaha uu mareykanku wado oo sida goonida canshuuraha lagu soo rogayo”.
“Saharcigan keymaha, sharcigan aan munaasabka ahayn, ma noqon doono mid wanaajiyo xiriirka ganacsi mustaqbalka ee caalamka ”
Mr Le Maire wuxuu intaa ku daray “Sharcigan keymaha waxay la wanaagsan tahay oo keli kuwa guul darreysanaya, waxuuna daciifiniya horumarka, waddamada jilicsanna waxyeello ayuu u geysan doonaa waxuuna ku dambeyn doonaa masiibo siyaasadeed oo ka dhalato.”