Somali News

Wasiirka maaliyada oo maanta kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta  waxaa uu kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlen Arrimo ay ka mid ahaayeen sida dib u habeynta hanaanka Maaliyadda, iyada oo la tixraacayo heshiiskii Hay’adda IMF ee hagaajinta dhaqaalaha dalka.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid guul ku dhamaaday,isla markaana uu rajeynayo in hagaajinta dhaqaalaha dalka uu sahli karo deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu na siiyo Mareykanka ee ku aadan dib u hagaajinta dhaqaaleheena, Xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya ayuu yiri Wasiir Beyle.