Muqdisho-KNN-C/raxmaan Ducaalle Bayle Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta xarunta wasaaradda Maaliyadda kul kula yeeshay wafdi ka socday bankiga adduunka.
Waxaa kulanka ka qeyb galay Wasiirka qorsheynta Soomaaliya iyo Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Waxaana kulanka lagu falanqeeyay sidii loo caawin lahaa dadka ay biyo la’aanta sameysay ee ku nool Guud ahaan Gobalada dalka.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa Waxaa uu sheegay in wafdiga ka socday bankiga adduunka ay balan qaadeen in ay caawin doonaan Soomaaliya.